Guddiyada dastuurka oo sheegay in loo gacan dhaafay howshooda

0
Sawir horre

Muqdisho (SK)-Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Arbaca ah kulan ku yeeshay guddiyada baarlamaanka labada aqal u qaabilsan dib u eegista dastuurka iyo guddiyada madaxa bannaan, iyagoo sheegay in loo gacan dhaafay howlihii loo igmaday.

Kulan oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wasiirka dastuurka Abukaate Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa waxa guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka ay guddiyada baarlamaanka ku wareejiyeen shantii cutub ee ugu horreeyay ee guddigooda dib u eegista ku sameeyeen ee dastuurka.

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka Maxamed Daahir Afrax ayaa kulan ka sheegay in guddigooda maanta ku wareejiyeen guddiyada baarlamaanka ee u qaabilsan la socodka arrimaha dastuurka shantii cutub ee ugu horreeyay ee dib u eegista dastuurka.

Senatar Xuseen Maxamuud oo ah xoghayaha guud ee dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii uu kulanka soo dhammaaday waxa uu saxaafadda u akhriyey qoddobada ka soo baxay shirka.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn sheegay in guddiga dib u eegista dastuurka aaney weli helin qoddobadii u baahnaa dib eegista dastuurka ee la rabay in ay ansixiyaan dowladda federaalka iyo maamullada hoos yimaada.

Waxa uu sheegay in horumaro la gaaray balse ay jiraan caqabado weli labada guddi hor yaalla maadama la rabay in heshiis la gaaro kheyraadka dalka maadama shirkii ka dhacay Baydhaba aan xal looga gaarin qeybsiga kheyraadka.

Xildhibaanka ayaa xaqiijiyey in labada guddi weli aysan u dhammeynin agabyadii ay shaqada kuwadi lahaayeen sida dhaqaalaha iyo shaqaalihii howsha u qaban lahaa si loo dardargaliyo qorshaha dib eegista dastuurka qabyada dalka.

Halkan ka daawo warbixinta warkan oo aan ka soo xigganay Telefishanka Universal

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com