Griezmann oo toddobaadkan go’aan ka gaaraya mustaqbalkiisa

0

Madrid (SK)- Xiddiga kooxda Atletico Madrid xulka qaranka France Antoine Griezmann ayaa la xaqiijiyey in uu shaacin doono mustaqbalkiisa maalmaha soo socda.

Griezmann oo ah 27, ayaa la xiriirinayaa in uu wareego kooxda ku guuleysatay horyaalka Spain La Liga ee Barcelona kaddib markii xilli cayaareed kale ay ganaaxday Atletico.

“Waxaa ku gudajirtaa toddobaad uu shaacin doono mustaqbalkeyga” ayuu yiri Griezmann oo saxaafadda u warramay kaddib markii xulkiisa France’s 1-1 barbardhac la gashay kooxda Mareykanka Sabtidii cayaar saaxibtinimo.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com