Garsoore Cabdulqawi: “Annigu ma doonan xilka ICJ ee waa la ila soo doontay”

Hague (SK)- Garsoore Cabdiqawi Axmed Yuuruf oo dhawaan loo doortay madaxweynaha Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ, ayaa ka warbixiyey dareenkiisa xilka loo dhiibay iyo cidda dooratay.

Waxa uu sheegay in xilkan uusan isaga doonan ee kalkan loo gartay in uu qabto maadama uu yahay qof khibrad iyo aqoon u leh arrimaha garsoorka ICJ.

Wereysi uu siiyey VOA ayuu ku sheegay in ay sharraf u tahay in loo doorto xilkan maadama uu yahay qof Soomaaliyeed.

 

Garyaqaan Cabdiqawi ayaa maxkamadda ICJ ka tirsanaa tan iyo sannadkii 2009, waxa uu mar noqday guddoomiye ku xigeenka maxkamadda.

Taarikhdiisa oo kooban

Garsoore Cabdiqawi ayaa ku dhashay magaalada Eyl ee gobalka Nugaal sannadku marka uu ahaa 1948.

Waxa uu ka baxay Jaamacadda Ummadda sannadkii 1973-dii, waxaa kaloo uu ka baxay Jaamacad ku taalla magaalada Florence ee dalka Talyaaniga sannadkii 1977-diim, isagoo sidoo kale dalka Switzerland ku dhameeyay Ph.D Sharciga.

Maxkamadda caalamiga ee caddalaadda ayaa ka kooban 15 xaakim oo ay doorteen golaha loo dhan yahay ee QM iyo golaha amniga kuwaasoo xilka heynaya muddo sagaal sanno.

Garsoore Cabdiqawi ayaa baddalay Ronny Abraham oo u dhashay dalka Faransiiska, kaasoo xilkiisa u dhammaatay.

Waa madaxweynihii 25-aad ee ICJ yeelato, garsoore Cabdiqawi sidoo kale waa qofkii saddexaad oo Afrika ka soo jeeda ee xilkaas qabta.

Halkan hoose ka dhageyso Wereysiga garsoore Cabdiqawi

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments