Gareth Bale oo u socda Premier League

0

Madrid (SK)- Xiddiga reer Welsh, Gareth Bale ayaa damacsan in uu ku laabto dalka Ingiriiska iyo horyaalka Premier League, isagoo ka tagaya kooxdiisa Real Madrid sida laga soo xigtay wargeyska the Mirror .

Bale ayaa sidoo kale waxaa baadigoobaysa Bayern Munich, balse waxa u kooxda ku guuleysatay horyaalka Bundesliga u sheegay in uu doorbidayo in uu ku laabto England, isagoo rajo ka qaba in uu ku biiro Manchester United.

Si kastaba, Bale uma muuqdo hadda in la iibinayo iyadoo macallinka cusub ee kooxda Real Madrid uu rabo in uu xiddigan ka dhigo cayaaryahan mustaqbalka la jooga naadiga.

Bale iyo Antoine Griezmann ayaa ka mid xiddigaha ay bartilmaameesanayso kooxda Man United.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com