Gabar Soomaali ah oo loo aqoonsaday shaqsiga sannadka ee waddanka Ireland

Dublin (SK)-Ifraax Axmed oo ah gabar Soomaali ah ayaa loo aqoonsaday shaqsiga sannadka dalka Ireland.

Munaasabad lagu shaacinayey arrintaas ayaa lagu qabtay caasimadda Dublin waxaana ka qeybgalay madax ka tirsan dowladda Ireland iyo marti sharraf kale oo ka socota caalamka.

Ifraax oo ah gabar u ololeysa gudniinka fircooniga ayaa ku nool dalka Ireland balse waxa ay dhowr jeer timid magaalooyin ku yaalla Soomaaliya, iyadoo ku qabatay kulamo wacyi-galin ah oo bulshada looga digay khatarta gudniinka fircooniga.

Ifraax Axmed waxaa billadda guddoonsiiyey marwada madaxweynaha dalka Ireland Mrs Sabina Higgin oo xafladda ka qeybgashay.

Ifraax oo qoraal soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa tiri “Waa Habeen igu weyn aad baan ugu faraxsanahay in aan helo abaalmarinta shaqsiga sannadka ee dalka Ireland waxaa u mahadnaqayaa marwada koowaad ee Sabina Higgins waxa ay ii muujisay taageer iyo aaminaad”

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka Afrika ee gudniinka Fircooniga uu ka yahay dhaqan soo jireen ah iyo caado gabdhaha yar yar lagu sameeyo. Waxaa aad looga digaa gudniinka Fircooiniga iyo waxyeeladiisa iyada oo wali hooyooin badan ay ku sameeyaan gabdhahooda.

Ifraax Axmed ayaa sannadkii horre waxa ay sameesay filim looga hadlayo waxyeelada gudniinka Fircooniga. Filimkan waxaa ka qaybgalayo jilayaal Soomaaliyeed oo caan ah sida, Maryal Mursal Ciise iyo Barqad Cabdi.

Ifraax ayaa ka warbixisay xaaladda gudniinka fircooniga ee dalka Soomaaliya iyo dhacdooyinka ay la kulantay markii ay dib ugu laabatay Muqdisho 2014-kii.

Waxa ay sheegtay in dumar badan ay u dhintaan dhiig bax maadama loo guday gudniinka fircooniga.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments