Gabadhu maxay jeceshahay?

0

Nairobi (SK)-Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran Soomaalikabe waxaa lee nahay Jimco Wanaagsan meel kasta oo aad ku sugan tihiin.

1- Gabadhu waxay jeceshahay inuu Ninkeedu Caan noqdo oo Bulshada Dhexdooda uu Magac ku yeesho.

2- Gabadhu waxey jeceshay iney Dhegaheedu ay mar kastaan ku soo dhacaan ama ay maqasho Ninkeeda oo Dadkale Hadal hayaan Amaantiisa iyo Hormarkiisa.

3- Gabadhu waxey jeceshay iyadoo Asaageeda ugu Faanaysa iney Buunbuuniso ama ka sheekeyso wanaaga Ninkeeda.

4- Gabadhu waxey jeceshahay in hadeey soo gasho Goob lagu hadal hayo Ninkeeda Wanaagiisa Dhegaha ayey i Raaricisaa, waxeyna jeceshay ineysan goobtaasi aysan ka tagin oo ay sii joogto.

Halkan ka akhriso warbixin la xiriira Ninku muxuu jecel yahay?

5. Gabadhu waxey jeceshay wax kasta oo ay Doonayso ama ay Diideysaba iney u sheegto isaga, si uu uga War haayo Dooqeeda.

6- Gabadhu waxey jeceshay jaceylka iyo Farxadda ka Dhexeeya iyada iyo Ninkeeda iney Bulshadu ogaato.

7- Gabadhu waxey jeceshahay inuu Ninkeeda mar kasta Hoosteeda uu joogaa oo ay wada Sheekeystaan, taasi oo uu Qalbigeedu dareemaayo Raaxada Guurka.

8- Gabadhu waxey jeceshahay Ninkeeda iney ugu Faanto Gabdhaha Asaageeda, inta badana markey Asxaabteeda la sheekeysaneyso Afkeedu kama daalo Amaanta Ninkeeda.

(Ha Waaro jaceylka, hana guuleysto).

W/Q:- Macoow Ustaad