Gaarisa oo ay ku soo badanayaan dumarka Xoolaha Dilaalka ka ah

Gaarisa (SK)-Magaalada Gaarisa ee gobalka waqooyi bari  ee waddanka Kenya, waxaa ku soo badanaya dumarka xoolaha ukala iibiya dadka ee dilaalka ah, kuwaasoo ka raadsada nolal maalmeedkooda.

Dumar badan oo ganacsato ah oo xoolaha iyaga iibsada iyo qaar kale oo dadka u iibiya ayaa aad uga dhex muuqda Sayladda xoolaha ee magaalada Gaarisa oo ah sayladda ugu weyn ee xoolaha nool lagu kala iibsada bariga Afrika.

Mid ka mid ah dumarka Dillaaleyda ah ayaa BBC-da u sheegtay in ay suuqa keensato neef Ari ah taasoo ay ka raadiso faa’ido kaddibna ay dib u iibiso.

“Neef ari ah ayaa keensadaa suuqa 100shilin ayaa saartaa oo aan ka helaa waa sii iibiyaa sidaas ayaana biilkeyga ku soo heelaa”ayey tiri

Hooyadan ayaa sheegtay howshan in ay ku jirtay muddo saddex sanno, sidaasna ay xoolaha u kala iibineysa dadka keensada iyo kuwa raba.

Waxa ay sheegtay in markii hooyooyin badan ay raggooda ka tageen oo ay dumar kale ka raaceen in ay

Lahaanshaha sawirka BBC Somali ayaa leh

“Ragga, Dumarka ma siiyaan biilka marka ay ilmaha ka dhallaanna waa ay isaga dhaqaajiyaan Tu kale oo fiyow oo yer ayey qaataan, marka ilmaha haddii hooyada looga tago maxay sameen waa in ay shaqeeyo soo ma ahan taasna ayaa keentay in ay soo baxtaan dumarka Dillaalka ah” ayey tiri Hooyadan.

Dumarka Gaarisa ee ku howlan arrintan ayaa ka cabanaya ragga oo u xoog sheeganaya kuna garbinaya shaqada, sidda uu sheegay, weriyaha BBC-da ee gobalka Waqooyi Bari Kenya Bashka Jug-soo dhacay oo warbixin ka soo diyaariyey.

Si kastaba, arrintana ayaa ugub ku ah dad badan oo Soomaali ah, maadama ragga oo kaliya looga bartay in ay wax dilaalaan.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments