Fallanqeyn: Maxay ka dhigan tahay go’aanka Imaaraadka uu ku joojiyey howlihii tababbarka ciidamada ee Soomaaliya?

Dubai (SK)-Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay in ay joojisay gabi ahaan howlihii tababbarada ciidamada ay ka wadeen Soomaaliya.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ciidamada ammaanka Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen ku dhawaad 10 milyan oo dollar oo lagu waday boorsooyin ay keentay diyaarad gaar ah oo ka timid dalka Imaaraadka.

Imaaraadku waxa uu sheegay in lacagtaas loogu talagalay tababbarada ciidamada Soomaaliya ee ku sugan dalka.

Howlaha tababbarka ciidamada Soomaaliya ayaa soo socday tan iyo sannadkii 2014-kii, waxanaa Imaaraakda uu bixin jiray mushaarka 2407 askari oo Soomaali ah, sida lagu sheegay warka qoraalka ee ka soo baxay dowladda Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka ayaa sidoo kale dhisay saddex xero oo lagu tababbaro ciidamada Soomaaliya, Isbitaal iyo koox caafimaad oo ay u direen Soomaaliya kuwaasoo la shaqeeya ciidamada ay tababbaraan.

Imaaraadku waxaa kaloo uu tababbari jiray ciidamada badda Puntland ee ku sugan Boosaaso kuwaasoo ka qeyb qaadanaya ammaanka xeebaha la dagaallanka burcad-badeeda iyo argagixisada.

Haddaba, maxay uga dhigan tahay go’aanka Imaaraadka uu joojiyey howlaha tababbarida ciidamada Soomaaliya xiriirka labada dal, sideese u dhaawacayaa tayeenta ciidamada Soomaaliya arrimahaas iyo arrimo kale VOA waxa ay wax ka weydiisay Prof Cabdi Ismaacil Samatar oo barre ka ah Jaamacadda Minnasota ee dalka Mareykanka.

Halkan Hoose ka dhageyso

_SOOMAALIKABE_

Soomaalkabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments