FAALLO: Maseyrku Muxuu Yahay ?

Maseyrku uma hayo micno dhab ah oo aan ku qeexo balse waa maleawaal qofka u bidhaamiya humaag beeneed iyo himilo aan jirin taas oo qofka ku qasabta in uu sameeyo ficil aanu ka fiirsan oo ka fog xaqiiqdii dhabta aheyd ee uu qof rumeysnaa inta aanu marin habaabin ka hor .

Maseyrka ama Hinaasaha qaamuusyada kala duwan ee luqadaha micno ahaan waa isku dhaw yihiin waxana ay siiyaan marka ay qeexayaan labadan midood

Upset and angry because someone that you love seems interested in another person:

Caro iyo Jahawareer maxaa yeelay qof aad jeceshahay ayaa u hamuun qabo ruux kale
unhappy because someone has something that you want:

Murugo sababtoo ah qof ayaa heysta waxa aad adigu dooneysid

Dadka maseyra qaar ayaa ku fekara in ay dilaan ruuxa ku abuuray maseyrka halka kuwa kalana ay goostaan in ay ka takhalusaan ruuxa ay ka maseyrsan yihiin.

Haweenka iyo ragga waxaa la sheegaa in haweenku ku badan yihiin maseyrka maadaama diinteena islaamku ay ruuxa ragga ah u banneysay in uu guursan karo ilaa afar haween ah hadii uu awoodo.Laakiin xagga darnaanshaha iyo qatarta waxa ay ku badan tahay ragga.

Badanaa rag badan oo ay gubeen xaasaskii ay qabeen markii ay saliid kulul u diyaarsadeen.

Igaar Talyaani ah ayaan aqriyay oo jawaab u raadiyay Maseyrku waxa uu yahay?

Che cos’è la gelosia?

Waxa uu yiri

Tutte le risposte che ho ricevuto sono state molto interessanti. C’è chi ritiena che la gelosia sia la “paura di perderlo”; altre che pensano che la gelosia nasca dall’insicurezza e che sia una sorta di “desiderio di possesso” che non ha nulla a che vedere con l’amore.

Dhamaan jawaabihii ii soo baxay waxa ay noqdeen kuwa xiisa leh. Qaar baa aaminsan in Maseyrku yahay “ Cabsi inaad weyso” ,qaar kalana waxa ay maleeyeen in Maserku uu ka dhasho hubaal la’aan rabitaankaaga inaad hanato kaas oo aan haba yaraatee wax lug ah ku laheyn Jaceylka.

W/Q: Maxamed Ibraahim Macallimuu

Xoghayaha ururka suxufiyiinta Soomaaliya ee (NUSUJ)

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments