Dumar Jabuuti oo loo oggolaaday in baarlamaanku ku yeeshaan 25%

0

Djabuti (SK)-Baarlamaanka Jabuuti ayaa fadhi ay ku yeesheen Khamiistii shaley caasimadda Jabuuti, waxa ay meel mariyeen in kootada dumarka ay ku lee yihiin baarlamaanka laga dhigo 25%.

Xildhibaannada baarlamaanka Jabuuti oo ka kooban 65 xildhibaan ayaa meel mariyay arrintaas, iyado marki horre ay haweenku la hayeen boqolkiiba 10.

Si kastaba, guddoonka baarlamaanka Jabuuti ayaa sheegay in xeerkan uu dhaqangali doonno isla dorashada baarlamanka ee Jabuuti oo lagu wado in ay dhacdo saddexda bisha Febraayo ee sannadkan 2018.

Dhinaca kale, xildhibaannada mucaaradka ee Baarlamanka Jabuti ayaa ku doodaya in tirada kuraasta dumarka la kordhiyo oo laga dhigo 50%.

Mucaaradka ayaa sheegay in 10 sanno kaddib dowladda Jabuuti ay oggolaatay in dumarka kuraasta baarlamaanka laga siiyo 25% balse iyagu intaas ka badan ay oggolaayeen mar horre.

Si kastaba, dumarka ku jira baarlamaanka ayaa soo dhaweeyay tallaabadan iyagoo u mahadceliyey dowladda madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com