Diouf oo ku haminaya in uu noqdo madaxweynaha Senegal

Dakar (SK)- Al Xaaji Diouf oo mar ahaa xiddig caan ka ah qaaradda Afrika iyo guud ahaan caalamka, ayaa hadda sheegay in uu iska joojiyey cayaaraha isla markaanna uu rabo in uu siyaasadda galo.

37-jirkan reer Senegal ayaa sheegay in uu rabo in uu u tartamo xilka madaxweynaha doorashada dalkiisa ka dhaceysa sannadkan.

Wuxuu qaaday dhabbihii uu kuu guuleystay George Weah, oo noqday madaxweynihii 25-aad ee dalka Liberia bishii la soo dhaafay.

Majalladda FourFour Two ayaa qortay Diouf, in uu hadda rabo sidii uu ku noqon lahaa siyaasi ka soo dhex muuqda dalkiisa.

El Hadji Diouf

“Waxa aan raadinayaa kaddib markii anniga iyo qoyskaga muddo sanno badan aan ku dhex jiray kuadda cagta in aan sameeyo xirfad cusub waa xirfadda siyaasadda. Go’aankana ayaa kaddib markii dadka waddankeyga aan ogaaday in ay doonayaan in uu yimaado isbaddal. Mustaqbalkeygu waa kala qeybiyey labada sanno ee soo socda waxaa rabaa in aan ku soo biiro siyaasadda, maxaa yeelay waxaa aqaan meesha kaliya ee isbaddalka uu ku immaan karo waana kubadda, waa ogahay in dad badan oo reer Senegal in ay i maqli karaan” ayuu yiri Diouf oo u warramay Four Four Two.

Xiddigii horre ee Arsenal iyo AC Milan, George Weah ayaa loo magacaabay madaxweynaha Liberia bishii la soo dhaafaya.

George Weah

Si kastaba, Diouf ayaa qarankiisa u saftay 79 kulan.

Dioud ayaa u cayaaray kooxaha Liverpool Sunderland, Blackburn, Bolton iyo Leeds, oo dhammaan kawada dhisan dalka Ingiriiska.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments