DHAGEYSO: Maxkamadda ICJ oo garsoore Soomaali ah u dooratay Madaxweyne

Hague (SK)- Maxakamada Caalamiga ee Cadaalada ICJ ee magaalada Hague ayaa shalay madaxweyne u dooratay Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo ah garsoore ka soo jeeda dalka Soomaaliya.

Soomaalida ku nool gudaha iyo dibadaba ayaa si weyn u soo dhaweeyay doorashada garsoore Cabdulqawii, iyagoo sheegay inay magac iyo sharaf weynba u tahay dadka Soomaalida.

Doorashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maxkamadda ay qaadayso dacwad u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya oo ku muransan soohdinta dhinaca badda ee ka dhaxeysa. Haddaba doorashada Abdulqawi, ahmiyad nooce ah ayay u leedahay Soomaalida, sideyna u saameynaysaa kiiska muranka dhinaca badda ee Kenya iyo Somalia.

Su’aallahaasi ayaa VOA waxa ay weydiisay Instisaar Ali Fidhin, oo ah garyaqaan joogta magaalada Houston ee gobolka Texas.

Halkan Hoose ka dhageyso Codka

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments