DHAGEYSO: Maxaa run ka ah buugga laga qoray Donald Trump?

New York (SK)- Toddobaadkan waxaa warbaahinta Mareykanka aad u qabsaday Buug laga qoray madaxweyne Donald Trump.

Buuggan oo uu qoray suxufiga Michael Wolff kaasoo lagu magacaabo (Fire and Fury) oo la macno ah Dab iyo carro.

Qoraaga buugga oo soo xigganaya dad ka shaqeeya aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka iyo saraakiil kale ayaa buugga ku sheegay in madaxweyne Dnald Trump uu u dhaqmo sida carruurtii oo kale isla markaanna uusan mudeen in uu madaxweyne ka noqdo dhul weynaha Mareykanka.

Buuggan ayaa ka hadlaya hab dhaqanka madaxweynaha Mareykanka, gaar ahaan wax yaabaha laga bartay tan iyo markii uu xilka qabtay labo sanno ka hor.

Michael Wolff ayaa loo oggolaaday markii uu madaxweyne Trump uu ku guuleystay xilka madaxweynaha in uu la kulmo shaqaalaha aqalka cad isla markaanna uu wareysto maadama uu ka qorayo buug nalashiisa.

Trump ayaa diiday in uu la kulmay weriye Michael Wolff isla markaanna uusan weligiis la hadlin ama u oggolaanin inuu yimaado aqalka cad.

Madaxweyne Donald Trump

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa isku dayey in ay weriyaha qoray buuggan Michael Wolff ay ka dhigaan wax aan waxbo ahayn iyo waxa uu qoray ay tahay wax been abuur ah isla markaanna uusan ahayn suxufi caan ah.

Buuggan ayaa intiisa badan laga soo xigtay Stiff Bannal oo xagga istiraatijiyada u qaalbisanaaa madaxweyne Trump.

Haddaba, Buuggan iyo waxa uu xambaarsan yahay ayaa VOA ka wareysatay Faarax Maxamed Maxamuud oo ku xeel dheer arrimaha Mareykanka isla markaanna horrey buugaag badan u qoray.

Halkan Hoose ka dhageyso

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com 

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments