DHAGEYSO: Ciidamada Kenya oo toogtay sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya

Ceelwaaq (SK)- Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in iska hor imaad uu gelinkii horre ee maanta ciidamada Kenya iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku dhexmaray degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo.

Guddoomiye ku xigeenka degmada CeelWaaq, Sahal Macallin Aaden oo u warramay VOA ayaa sheegay in cidiamada Kenya ay magaalasda ku dishay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan Gobalka Gedo kaasoo lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan Yuusuf  oo lagu naaneesi jiray (Ilka Case).

“Khasaaraha waa sarkaal kale ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan Yuusuf  oo lagu naaneesi jiray (Ilka Case) waana sarkaalkii 12-aad ee ciidamada KDF ay naga dilaan”ayuu yiri Sahal Macallin Aaden.

Ciidamadan dilka geestay ayaa la sheegay in magaalada ay soo galeen iyagoo wax fasax heesan isla markaanna weerar ay ku qaadeen saldhig ay joogeen ciidamada xoogga Soomaaliya.

Waxaa kaloo weerarkaas la’day ari badan oo ay la haayeen dadka deeganka sida uu shegay Guddoomiye ku xigeenka degmada CeelWaaq.

Kenya weli wax war ah kama soo saarin weerarkan iyo eedeynta ka soo yeereysa saarkiisha ciidamada dowladda ee Ceel-waaq iyo maamulka degamada.

Halkan Hoose ka dhageyso Codka Sahal Macallin Aaden 

_SOOMAALKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments