Dhacdooyin naguma yara ee ciddee wax ka baran!?

0

Waxaan rabaa inaan fekerkeyga la wadaago akhristaha Soomaaliyeed meelkasta uu dunida ka joogaan.Dhamaanteen waxaan nahay ardey waxaana macalin noo ah nolosha waayo maalinkasta wax cusub ayeey na tuseysaa oo u baahan xal iyo xeeladeysi.Waxyaalaha ku dhaca laguma qiimeyn karo ruuxa noloshiisa ee waxaa lagu qiimeyn karaa sida uu uga jawaabey dhacdada ku timid.Tusaale iyo ku dayasho waxaa noogu filan nabiyulaahi Yusuf (N.N.K) qaababka xaaladaha adag ee la soo darsa uu jawaab uga bixinayo.Akhristoow ruuxa laguma qiimeeyo kursiga,dhaqaalaha iyo ciwaanka uu haysto oo qura ee ruuxa waxaa lagu qiimeeya imisa caqabad ayuu u soo maray meesha uu hadda joogo.

Maxaa ka xun adiga oo qurbaha in badan joogay haddana dhacdooyinka qurabaha kaa qabsadey aadan ka soo dhexsaarin casharo dadkaaga iyo dalkaaga anfahaca.

Maxaa ka xun adiga oo intaas oo sano waxbaranayey ama jaamacad bare ka ah balse aadan hoos uga dagin casharada iyo aragtiyada aad baratey oo aadan wali si dhab ah u eegin waxa ay aadmiga ku soo kordhin karaan qaas ahaan dhul dhibaato dhankasta kaga habsatey sida Soomaaliya.Akhristoow waxaan rabaa inaan tusaale idin ku soo qaato profisoor u dhashay dalka bangaladhesh Muhammed Yunus.Wuxuu waxbare ka ahaa jaamacad dalka bangaladhesh ku taala waxa uuna dhigayey maadada dhaqaalaha.

Borofisoorkaan marka uu jaamacada ka baxo waxa dibada jaamacada iyo goobaha suuqa ku arkaa dad daruuf iyo macaluul aad uga muuqato oo qalfoof isku bedelay,waxa uuna jaamacada ka bixiyaa aragtiyo dhaqaale.Waxa uu isweydiiyey maxay aragtiyadaani mincno leeyihiin haddii dadkaan jaamacada geesaheeda gaajada iyo macaluusha la daadsan haddii aqoontaan ay wax ku soo kordhin karin.Wuxuu diidey iney aqoontaani noqoto mid aragti kutub iskaga qoran kaliya ah wuxuuna bilaabey inuu aragtidaas inuu u badalo ficil iyo waxna ku kordhiyo dadkiisa faqriga iyo macaluushu sida xun u hayso.Haddaba mashruucii wuu hirgaley dadkiisana wuu u faa’iideyay.Waxaa lagu lahaa fashal ayaad ku socotaa asaguna wuxuu lahaa fashilmimaayo,maanta meesha uu gaaray mashruucaas si fudud ayaad u arki kartaan (Cramen banks)

Marka aan qoraalkeyga dib ugu soo noqdo waxaan shaki ku jirin in dhacdooyin nagu yareyn oo hadba ay nagu dhacdo midba mid ay ka xanuun badan tahay.

Gabagabadii dadka dhacdooyinka laguma qiimeeyo ee waxaa lagu qiimeeyaa jawaabta ay ka bixiyeen sida ay tahay,jawaab fiican haddii aadan bixin dhacdadu waxaa dhici karta iney sanado badan kugu soo noqnoqoto.Dal iyo dad horumarkood waxaa lagu helaa in ruux walba booskiisa barto iyo masuuliyada qof ahaan saaran,haddii aad bare tahay,haddii aad shaqaale tahay,haddii aad qurbo joog tahay,haddii aad ardey tahay .

W/Q: Maxamed Cabdirashiid (Dheeg)

Email: Hiigsadoos2018@gmail.com

Waxaan soo dhaweynayaa dhamaan aragtiyadiina kala duwan ee qoraalkaan quseeya

Mahadsanidiin