Degmada Hodan oo yeelatay koox kubadda kolayga oo gabdho ah [Sawirro]

0

Muqdisho (SK)-Degmada Hodan oo ka mid ah degmooyinka ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay loo sameeyay koox kubadda kolayga oo gabdho ah.

Guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in degmadiisa ay yeelatay kooxdii ugu horreysay ee kubadda kolayga oo gabdho ah tan iyo burburkii dalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in kooxdan ay soo celin doonto doorkii degmada ku lahayd cayaaraha degmooyinka ee kubadda kolayga gaar ahaan degmada Hodan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ka muuqda horumar iyo dib u dhis, waxaana degmooyinka magaalada madax ka ah dhallinyaro kuwaasoo billaabay in ay soo celiyaan is dhexgalkii bulshadda iyo cayaaraha.

Dhawaan waxaa Muqdisho sannadkii labaad ay martigalisay cayaaraha kubadda cagta ee maamul goballeedyada, sidoo kale waxaa magaalada ku sii badanaya garoomada yer yer ee cayaaraha lagu cayaaro.

Magaalada waxaa ka dhisan kooxo kubadda kolayga cayaara oo gabdho ah balse waa kuwa ka cayaara horyaalka uun ee ma lahan degmooyinka magaalada.

Soomaaliya caan ayey ku tahay cayaaraha kubadda kolayga oo guulo ayey ka keentay waddamada dibadda marka ay ku cayaarayaan gabdhaha iyo wiilasha matalaya dalkeenna.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com