De Gea oo rajo ka qaba inuu mar u cayaaaro Real Madrid

0

Madrid (SK)- Goolhayaha reer Spain ee joojiyey kubadaha lagu soo laado ayaa sheegay in marnaba uusan maankiisa ka saarin sidii uu ugu wareegi lahaa horyaalka Spain iyo kooxda Real Madrid.

27-jirkan oo hadda goolka u qabta Manchester United, ayaa sheegay marka laga tago in uu hadda ku mashquulsan yahay koobka adduunka ee Khamiista ka furmaya dalka Ruushka, haddana in uusan meesha ka saarin ka tagitaankiisa kooxdiisa Man Utd.

David De Gea ayaa xaqiijiyey in mar uu u cayaari doono La Roja isla markaana u jeedkiisa sidii uu ugu guuleysan lahaa koobka kale oo aan ahayn koobka adduunka ee Russia.

Goolhaye De Gea ayaa la filayaa in uu u wareego caasimadda Spain isagoo soo gabagabeyn doono heshiiska uu kula joogay kooxda ka dhisan Old Trafford kaasoo la siisaxay sannadkii 2015.

Waqtigu waa ordayaa heshiiska De Gea ugu yimid United waxa uu afar sanno waana gabagabo.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com