Dad waddankooda nacay oon Soomaali ahayn ma jiraan talow?!

0
Sawir ka hadlay horumarka Muqdisho

Kampala (SK)- Qof kasta oo Soomaali ah waxa uu doonayaa in wadan shisheeye uu ku noolaado mustaqbalka kii wadanka jooga,halka kan ku sugan wadamada Africa uu isna rabo in dal saddexaad oo aanu lahayn ku noolaado oo ku barwaaqoobo,hantina ka tacbado.

Mana oga inta badan dadka Soomaaliyeed in ay leeyihiin wadan wanaagsan oo hadon ah,

Waxaan la yaabanahay dal aan la helikarin oo dadkiisu magan u yahay wadamo ka liita,balse dadkoodu isku tashaday kuna kalsoonyihiihiin ku noolaanshaha iyo wax ka qabsiga dhexdiisa.

Maalin dhaweyd suuqa Jukuko ee magaalada Kampala ayaa sheeko yar na dhex-martay nin Sam layiraahdo iyo eedadiis oo dukaan dharka jumlada ah lagu gado ku leh halkaas,

Sam iyo eedadiis oo ii sheegtay in gobalka California ee dalka Mareykanka ay ku nooleyd mudo uga sheekeeyey oo u dulmaray wanaagga iyo kheyraadka aan la soo koobikarin ee wadankeena ku jira,ee dadkuna ka baahanyahay oo qaxooti ka yihiin.

Waxey Sam eedadiis ii sheegtay in lolon aaney oolin wadanka Mareykanka,balse dad tashaday oo ka fakaray danaha dalkooda iyo dadkooda yihiin,abuurtayna shaqo,oo madaxdooduna ka taxadartay in dadku shaqo la’aan noqdaan.Balse kheyraad dabiici ah aanu jirin

Kheyraadka dabiiciga ah waa kan Soomaaliya haysato ee ay ka faa’iideysan la’dahay sida beeraha,xoolaha iyo kalluunka,Africa ayaa nala wadaagta qaar kheyraadkaas,walow Soomaaliya wadan kaga horeeya kheyraadkaas aanu jirin.

Waxaa sidoo kale u sheegay in Soomaalidu isku qabiil,dhaqan iyo afba yihiin,hadana ay isdilayaan,oo ay is-gowracayaan.

Aad bey ula yaabeen Sam iyo eedadiis weyna qaadanwaayeen saddexda arin ee ay wadaagaan Soomaalidu,markaas ayuu Sam i weydiiyey “Soomaaliya dad Kiristian ah ma jiraan oo diintaas haysta”Waxaan ku iri,”Maya kulligood waa Muslim 100% sida Sucuudiga”.

Waaa dabeeto Sam uu igu yiri'” Maxaad isku dileysaan,oo maad caqliga ka shaqeysiisaan kana faa’iideysataan kheyraadka dalkiina oo qaxootinimada ka baxdaan,waxaan ku iri Madaxdeena Soomaaliya waa caadoqaatayaal,oo waxey ku shaqeeyaan maskax carbeed iyo kuwo reer galbeed,iyagaa isku hubeeya oo isku dira,hub iyo lacagna iskugu dhiiba dhexdooda.

Markaas ayuu labaabay jawaabta aan siiyey waxuuna igu dhahay,”Anaga na siiya dalkiina idinkuna keena qaata”

W/Q: Maxamed Cumar Abiib