DAAWO: Xildhibaanno xaqiijiyey in uu iscasilay Jawaari

Muqdisho (SK)-Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in uu iscasilay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Xildhibaan Maxamed Saciid oo saxaafadda kula hadlay goordhow bannaanka horre ee xarrunta golaha shacabka ayaa xaqiijiyey in uu Jawaari iscasilay, isagoo arrintaas ku tilmaamay taallaabo geesinimo ah oo uu sameeyay Jawaari.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaa ugu hambalyeenayaa go’aanka geesinimada leh uu qaatay guddoomiyaha waa baarlamaanka waana tallaabo muujineysa hoggaamiyanimada, waxa uu taarikhda u galayaa oday Soomaaliyeed oo dalka wax fuucan ka soo qabtay”ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Lutfi Maxamed oo isna ka hadlay iscasilaadda Jawaari ayaa sheegay in guddoomiye Jawaari uu isku casilay si dimuquraadi ah.

Waxa uu u mahadceliyey guddoomiye Jawaari oo baarlamaanka wax badan u soo qabtay isla markaana keenay meel fiican.

Iscasilaadda Jawaari ayaa timid kaddib markii kulan soo billowday saqdii dhexe ee xalay soona gaaray illaa saaka waabarigii uu dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdillahi Farmaajo iyo gudoomiyaha la sheegay inuu is casilay Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari.

Waxaa maanta baaqday kulan kale oo dhinacyada is haya ee xildhibaannada baarlamanka ay ku qabsan lahaayeen xarrunta golaha shacabka kaddib markii fariimo loo diray ah inuu kulanku baaqday.

Illaa hadda wax wara oo ka soo baxay Guddoomiye Jawaari ma jiro laakiin xildhibaanno isaga ku dhaw dhaw ayaa warbaaahinta u xaqiijiyay inuu oggolaaday inuu xafiiska banneeyo.

Halkan Hoose Labada xildhibaan ee ka haday iscasilaadda Jawaari

_SOOMAALIKABE_

Soomaalkabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments