DAAWO: Soomaaliya oo sannadkii labaad ka qeybgashay carwada cuntada ee Dubai

0

Dubai (SK)-Magaalada Dubai ee dalka Iskutaga imaaraadka Carabta, waxaa dhawaan lagu qabtay bandhigga carwada cuntada oo sannadkiiba mar la qabto.

Carwadan oo loo yaqaanno Gulfood ayaa Soomaaliya markii ugu horreysay waxa ay ka qeybgashay sannadkii horre, waxaa xilligaas ka qeybgalay 10 shirkadood oo ay lee yihiin ganacsatada Soomaalida balse sannadkan waxaa ka qeybgalaya illaa 40 shirkadood iyagoo gacan ka helaya hey’adda Geel oo ah hey’ad caawisa ganacsatada Soomaalida oo hey’adda Mareykanka u qaabilsan deeqaha iyo horumarinta ee USAID la yiraahdo.

Cabdi Xakiin Daahir Cismaan waa qunsulka iyo siiyaha safaaradda Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta, waxa uu VOA uga warbixiyey ahmiyadda ay Soomaaliya u lee dahay carwadan.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya sida saxaafadda ay ka sheegto oo ah dal colaado iyo abaaro la degto uun ay tahay ee ay tahay dal wax soo saara oo leh shirkado ganacsiyo waaweyn.

Cabdirisaaq Jaaamac oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee ka qeybgalay carwada ayaa sheegay in Soomaaliya ay la tagtay liinta qalalalan, basbaaska, mooska, Cambaha, Sisinta iyo noocyada duwan ee khudaarta.
Waxa kale oo uu sheegay in ganacsatada ajnebiga ee bandhigga ka soo qeybgalay ay daneenayeen miraraha iyo khudaarta ka soo go’a Soomaaliya.

In kastoo ganacsatada Soomaalida ay sheegayaan in guulo laga gaaray iibgeynta wax soo saarka dalka haddana, weli dhulka hodanka ku ah wax soo saarka beeraha Soomaaliya waxaa ka jira nabad galy xumo iyadoo sidoo kale ay jiraan caqabado weli ka heesata maareynta biyaha gaar ahaan dhibicda roobka.

Intiii carwada ay socotay ayaa ganacsatada Soomaalida ay ku soo bandhigeen cuntooyin kala duwan oo ay caan ku tahay Soomaalida.

Carwada oo billaabatey maalintii Axadda ee toddobaadkan ayaa loo jadwaleeyey in ay socoto maalinta Khamiista, waxaana ka soo qeybgalay dhammaan dad ka socta shanta qaarad ee aduunka.

Waxaa Soomaaliya ay ku soo bandhiggi doonta carwada hilibka Geelle oo wadamo dhowr ah oo carabta loo iib geeyo maadama ay jecel yihiin cuntiisa.

Carwada oo socotay shan cisho, ayaa waxaa lagu galayey $100, si loo arko waxa ka socta carwada cuntada ee Dubai, waxaana goobta lagu soo bandhigayaa cuntooyin kala duwan oo ay caan ku tahay shanta qaarad ee adduunka.

Halkan ka daawo Muuqaalka, waxaana xuquuqda is ka leh Mareegta Hiiraan Online

 

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com