DAAWO: Qiimaha Dharka buluugga ah ee deegaannada Puntland oo cirka isku shareeray

0

Garoowe (SK)- Tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu tagay magaalooyinka Puntland waxa cirka isku shareeray qiimaha dharka buluugga ama shabaha calanka Soomaaliya.

Ganacsatada magaalooyinka Puntand ayaa sababta ku sheegay in qof kasta oo deggan Puntland uu rabo in uu ka qeyb qaato soo dhaweynta madaxweynaha oo hadda booqanaya deegannadooda.

Astur Juwaase waa xubin ka tirsan golaha deeganka Puntland, waxa ay BBC-da u sheegtay in wax yaabo badan oo la yaab leh ay ku aragtay magaalooyinka Puntland tan iyo markii madaxweynaha iyo wafdigiisa ay soo gaareen.

“Waxaa iigu yaab badnaa dharka shabaha calanka ee buluugga ah baa waxaa ku dhacay sicir barar aan caaddi ahayn Diricii saddexda waar waxa uu marka horre ahaan jiray saddex doollar iyo bar hal mar buu hadda noqday shan dollar” ayey tiri Astur.

Sidoo kale waxaa aad u qaaliyoobay rinjiga buluugga maadama lagu xardhayo waddooyinka iyo goobaha faras magalaada kuwaasoo isku diyaarinaya soo dhaweynta madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo: “Puntland waa meel nabadeed, dadkeeduna ay jecelyihiin dowladda Soomaaliya”

Si kastaba, dadweynaha Puntland ku nool ayaa aad u hadal haya socdaalka madaxweynaha uu ku marayo magaalooyinka ku yaalla Puntland.

Waa markii ugu horreysay oo madaxweynaha uu tago magaalooyin ku yaalla Puntland tan iyo markii la doortay tan iyo 8-dii bishii Febraayo.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com