DAAWO: Michelle Obama oo la cayaareysa gabar yer oo caan noqotay

0

Washington, D.C (SK)-Baraha bulshada iyo warbaahintuba waxaa qabsaday muuqaal ay soo duubtay xaaska madaxweynihii  horre ee Mareykanka Brack Obama, Michelle oo la cayaareysa gabar yer oo caan ah.

Waa Parker Curry  waa labo sanno jir, waxaa iyada hooyadeed casuumaad u fudiyey Michelle Obama.

Michelle ayaa la cayaaryay Paker oo waliba ka qoslisay.

Haddaba muuqaalkaas ayaa ayaa qabsaday baraha bulshada, dad badan ayaa ka aragti dhiibtay waxaana ka mid ah Chelsea Clinton oo tiri “waa sixir saafi ah” markale ayaa la arkay iyadoo leh “Adduunkan waxa uu u aahan dumar badan sida MICHELLE OBAMA.”

Parker iyo kulanka Mrs Obama ayaa yimid kaddib markii Ben Hines, oo 37-jir ah oo ka yimid North Carolina, uu booqday xarrunta qaranka ee sawirrada Khamiistii, halkaasoo isaga iyo hooydiis ay ku soo arkeen gabar yer oo eegeysa gabar yer eegeysa sawir lagu dhajiyey xarrunta oo ay ka muuqato Michelle Obama.

” Waan ku faraxsanahay in aan sugno oo aan ka soo horjeesanno saaxiibkan farshaxanka ah iyo rajada halka ka muuqata,” Hines ayaa sidaas ku soo qoray barta Facebook waxaa wax ka yer toddobaad sawirka iyo qoraalkaas la isla wadaagay in ka badan 35,000 oo mar.

Michelle Obama ayaa qoraal ay ku soo qortay barteeda Twitterka waxa ay ku sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay la kulanto oo la cayaarto Parker, waxa ay sheegtay in maalin maalmahan ka mid ah ay gaari doonto gabadhan waxa ay ku taameyso.

Adduunka, waa wax iska caaddi ah in madaxdu ay dhiirgaliyana carruurta marka ay yimaadaan goobaha dadweynaha ay ku kulmaan.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com