DAAWO: Faroole oo colaadda Tukarraq ku eedeeyay maamullada Puntland iyo Somaliland

0

Garoowe (SK)- Senator Cabdiraxmaan Maxammed Maxamuud Faroole ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan deeganka gobalka Sool gaar ahaan deeganka Tukarraq oo dhawaan ay qabsadeen ciidamada Somaliland.

Madaxweynihii horre ee Puntland ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe, waxa uu marka horre sheegay in uu ka xun yahay colaadda Sool, isagoo ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan labada maamul waa Puntland iyo Somaliland.

Faroole ayaa si gaar ah uga hadlay hadalloay sheegeen madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax kuwaasoo mid kasta ku baaqay qaab colaad uga hadlay arrinta Tukarraq.

Faroole ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay ku dhaqaaqday tallaabo qaldan maadama ciidamadooda ay qabsadeen Tukarraq xilliga magaalooyinka Puntland uu booqanayo madaxweynaha Soomaaliya.

Faroole ayaa sheegay in hadallada madaxweynaha Puntland iyo guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland ay uga sii darayaan xaaladda gobalka Sool.

Xuuqda Muuqaalka waxaa leh GarooweOnline

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com