DAAWO: Booliska Jermalka oo hab dhaqan aan fiicneen kula dhaqmay Mo Faarah

0

Munich (SK)-Orodyahanka caanka ah ee Maxamed Faarah ayaa ku eedeeyay booliska garoonka diyaaradaha magaalada Munich ee dalka Jermalka in ay ula dhaqmeen qaab aan fiicneen.

34 jirkan asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya balse heesta dhalashada waddanka Ingriiska ayaa si toos u duubay muuqaal uu dhigay bartiisa Instagram, waxaa uu ku lee yahay muuqaalka Maxamed Faarax Booliska Jermalku waxa ay igula dhaqaaqeen cunsuriyeen waliba ah mid si toos ah.

Muuqalka waxaa ka muuqda askari qashqashaadaya Mo Faarax oo isla markaanna uu ku lee yahay “Ha itaaban oo ha jiidin” askariga ayaa ku yiri waxbo igama galin waxaa tahay.

Mo Faarax ayaa xilli arrintan ay qabsaneysay waxa uu u safrayay waddanka Itoobiya.

Faarax ayaa bisha dambe ka qeyb geli doono tartan ka dhici doono magaalada London ayaa bartiisa Instgram-ka soo dhigay muqaal muujinaya nin u muuqday ilaalada garoonka oo riixaya Mo Farah.

Afhayeen u hadlay Mo Farahan waxaa uu sheegay in dhacdadaasi ay shalay oo tallaado aheyd ka dhacday dalka Jarmalka, xili Mo Farah uu kusii jeeday Itoobiya, halkasi oo uu tababar ku qaadanayo.

Waxaa kale oo uu afhayeenka sheegay in dhacdadani mid ula kac ah, isla markaana si aan cadaalad aheyn loola dhaqmay Mo Farah.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com