Xildhibaan soo banddhigay xaqiiqooyin muujinaya caqabadaha ku horgduban dastuurka Soomaaliya

0

Soomaaliya waxaa ay soomartey taariikh Dastuursameyn laga soo billaabo xilligii xorriyadda. Waxaa jira illaa afar Dastuur iyo laba Axdi oo la sameeyey tan iyo intii aan xorriyadda qaadanay.

Haddaba, waxaa ay kala ahaayeen sidatan; Dastuurkii 1960, Dastuurkii 1979, midkii 1990 la diyaariyey iyo kan hadda aan haysano ee 2012. Sidoo kale waxaa jirey laba Axdi KMG oo kala ahaa kii Carta 2000 iyo Axdigii Federaalka ee 2004.

Dastuurka hadda inooyaalla una baahan dib u eegista waxaa uu marayaa sannadkii 6-aad oo uu keliya u baahanyahay dib u eegis iyo dhammeystir shaqadii la sooqabtey 2012. Sida aad ka arkeysaan farqiga u dhaxeeya Axdiga 2004 iyo ansixinta Kumeel gaarka ee 2012 la ansixiyey Dastuurkan, waxaa uu soo jiitamayey illaa 8 sanno in la helo qabyo qoraalka Dastuurka aan hadda haysano. Balse waxaa la siimaraya in qabyada la dhammeystiro 6 sanno ayadoo aan weli la ogeyn goorta uu dhammaan doono.

Sida uu qabo Dastuurka sida KMG loo ansixiyey 2012 gaar ahaan qodobada 63-aad iyo 71-aad, awoodda wax kabeddelka Dastuurkan waxaa iskaleh Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.

Baarlamaanka Federaalka waxaa uu doortey Guddi ka kooban 10 xubnood sida uu qaboqodobka  133-aad ee Dastuurka. Guddigan oo loo yaqaan Guddiga La-socodka Dib-u-eegitsa Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa la soconaya, tilmaamaya, islamarkaana ansixinaya howlaha guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka, guddigaasoo uu dhisayo Qodobka 134 si uu u sameeyo wax-ka-beddelka Dastuurka iyo qorista shuruucda. Sidoo kale qodobada 133 iyo 134 ayaa qaba in Dawladgobolleed kasta oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka ay min hal ergey ku soo darsadaan labada Guddi. (Guddiga Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxbannaan).

Wasaaradda arimaha Dastuurka dowrkeeda dib u eegista Dastuurka waxaa ugu muhiimsan fududeynta howlaha labada guddi, iskuxirka hay’adaha ka shaqeeya Dastuurka iyo in sigaar ah ay diiradda u saarto arimaha ay tahay in ay kawada hadlaan xukuumadaha heer federal iyo heer dawlad gobolleed sida qodobada 44, 54 iyo 122.

Waxaa intaas dheer in dawlad gobolleedkasta ay leedahay wasaarad dastuur iyo guddiyo Baarlamaan oo sigaar ah ay tahay inay dowr ku yeeshaan dib u eegista Dastuurka.

Qormadan gaaban waxaan u qorayaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago fahamkayga mudaddii halka sanno ku dhow ee aan katirsanaa guddiga la socodka dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si aan u ifiyo meesha ay wax marayaan iyo caqabadaha jira.

Illaa iyo inta uu dhisnaa Baarlamaanka 10aad iyo Xukuumadda hadda shaqeysa waxaa jirey dadaalo badan oo ah in howsha dib u eegista Dastuurka ay horrey u socoto. Waxaa la dhammeystirey labada guddi ee aan kor ku soo xusey, waxaa la diyaariyey Qorshaha Tubta dib u eegista Dastuurka iyo in la saxiixay Is-afgarad dhexmarey hay’adaha heer federal ee loo xilsaarey dib u eegista Dastuurka, inkastoo aaney weli jirin is-faham la taabankaro.

Balse, waxaa jira xaqiiqo aanan ka qarin karin Bulshada Soomaaliyeed oo ah in aanweli wax la taabankaro la qabanindhowrcaqabadooddarteed. Caqabadahaas waxaa ka mid ah:-

1. Qaab dhismeedyo tiro badan: Sidaaad ku aragteen horudhaca qoraalkayga, waxaa jira qaab dhismeedyo tira  badan oo horseedaya inuu adkaado qaabka go’aan qaadashada islamarkaana keenaya khilaafaad joogto ah.

Waxaa jira Baarlamaanka Federaalka (Guddiga La socodka), Wasaaradda Dastuurka ee Federaalka, Guddiga Madaxbannaan ee dib u eegista Dastuurka, wasaaradaha dastuurka ee dawlad gobolleedyada, Baarlamaanada dawlad goboleedyada (guddiyadadastuurka), la taaliyaal xafiisyada Madaxweynaha iyo Raysul wasaaraha iyo sida lagayaabo kuwa lataliya dawlad gobolleedyada. Tusaalooyinkaas waa hay’adaha Dawliga ee Soomaaliya oo keliya!

2. Mudnaansiinta dib u eegista Dastuurka: Marka laga hadlayo in dawladi arrin muhiimad siinayso waxaa lagu gartaa in miisaaniyad la siiyo, laga dhigo qorshayaasha ugu horreeya, ka hadalkeeda la badiyo islamarkaana ficil lala yimaado degdeg wax looga qabto. Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka labadaba waa ay gaabiyeen ayaan dhihi karaa inay dib u eegista Dastuurka ka dhigtaan ahmiyadda kowaad. Madaxweynahana waxay ahayd inuu kor kala socdoo uu ku kontoroolo xukuumadda inay ka dhabeysey ballan qaadkeedii ahaa in ay ahmiyadsiineyso Dastuurka.

3. Miisaaniyadda dib u eegista Dastuurka: Waxaa ay xukuumaddu ballan-qaadey Baarlamaan kuna ansixiyey illaa 3 million oo doollar oo lagu fuliyo qorshaha dib u eegista Dastuurka, balse weli wax fara ugu jira guddiyada dastuurka ma jiraansi ay howlihii u qorsheysnaa u fuliyaan. Arrintaas waxay keeneysaa in hay’adaha ajnabiga loo kala hormaro lagana sugo inay kuumaalgeliyaan Dastuur Soomaali leedahay!
 
4. Dano Gaar ah: waxaa jira caqabado badan oo ka imaanaya shakhsiyaad kuna saleysan in natiijada dib u eegista Dastuurka ay noqoto mid ayaga farxad gelisa haddii kale ay is hor istaagaan inuu horrey u socdo Dastuurka.

Waxaa intaas dheer in kuwa kale ay kale eyihiin dano dhaqaale oo ay rabaan inay mashruuc la maalo ka dhigta anuna irmaanaado sanado soo socda.

5. Arrimaha heshiis siyaasadeed u baahan: waxaa ay Baarlamaankii 9aad kasheegteen in arrimahasiyaasiyan la iskuhaysto ay caqabadyihiin. Arrimahaasoowelitaaganwaxaaka mid ah qodobada 8aad, 9aad, 44aad, 54aad, 122aad iyoguudahaancutubyada 5aad, 6aad, 7aad, 8aad iyo 9aad. Welicaqabadahanwaa ay taaganyihiinwaxaanalagayaabaainaysiiragaadiyaan dib u eegistaDastuurka.

6. Ajnabiga: Inkastoo ay Soomaali ahaan qalad nagu tahay in shaqada inoo taalo aan ku eedeyno in ajnabiga caqabad ku yihiin, haddana waxaa jira hay’ado caalami ah iyo kuwa UNka oo gacmaha kula jira arrimaha dib u eegista Dastuurka iskuna daya inay Soomaalida u yeeriyaan sida ay wax u qabsanayaan islamarkaana u kala warqaada. Muddadii 13-ka sanno ahayd ee Dastuurkan sameyntiisa iyo dib u eegistiisa soo socotey waxaa lagu qiyaasay illaa $60 malyuun oo doollar inay ku baxdey laakiin siyaabo qaldan loo isticmaaley waxaase ka sii darran in weli ay socoto oo tobonaan malyuun oo doollar lagu gorgortamayo. Soo ma ahayn beesha caalamka inay iska joojiyaan lacagahaas haddii aaney natiijo soo saareynin?

Haddaba, Dastuurka Soomaaliya iyo dib u eegistiisa  waxaa loo baahan yahay in caqabadahan iyo kuwo kaleba looga gudbo mas’uuliyad wadareed iyo mid hay’adeed. Waxaana loo baahan yahay in hay’adaha Dastuuriga ah oo uu ugu horreeyo Baarlamaanka Federaalka, Madaxweynaha, xukuumadda, dawlad gobolleedyada iyo guud ahaan dadweynaha uu mid walba qaato dowr ka kaga aadan sidii lagu heli lahaa Dastuur dhammeystiran oo ay raali isaga yihiin dhammaan Soomaalida.

W/Q:Senator Xuseen Sheekh Maxamud
Xoghayaha Guddiga La-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya