Cabdiqeydiid: “Kuma qanacsani guddiga uu madaxweynaha u xil saaray weerarkii lagu qaaday gurigeyga”

0

Muqdisho (SK)-Xidhibaannada aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa maanta dib u dhigay ka doodista sharciga lagu mamnuucayo shirkadda DP World ee laga lee yahay dalka Imaaraadka Carabta taasoo shaley xildhibaannada golaha shacabka ay ka mamnuuceen dalka in ay ka shaqeyso.

Dhinaca kale, xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa xildhibaannada aqalka sare u sheegay in uusan ku qanacsaneen guddiga uu madaxweynaha u xil saaray in ay baaraan weerarkii gurigiisa lagu qaaday 30kii bishii December ee sannadkii horre.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in cidda weerarka hoygiisa ku qaaday markii horaba ay ahayeen ciidamada nabad sugida iyo kuwa millitariga, haddana madaxweynaha uu xil saaray arrinta baaritaanka taliyaha ciidamada millitariga iyo saraakiil ciidan.

Waxa uu sheegay in uu ku kalsooni qabo in baaritaanka waxa ka dhacay gurigiisa loo xil saaro hey’addaha sharci dajinta ee labada aqal ee baarlamanaka maadama iyaga ay tahay shaqadooda.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in markii horre uu ku qancay go’aanka madaxweynaha uu ka qaatay weerarka lagu qaday gurigiisa balse wixii intaas ka dambeeyay aaney jirin cid daba gashay ama baartay sida ay wax u dhaceen sida uu yiri.

Xildhibaanka ayaa horrey u sheegay in ciidamada soo weerarray gurigiisa ay burburiyeen qalab yaallay gurigiisa isla markaanna xaaskiisa iyo gabadhiisa ay ka qaateen taleefonadii ay lahaayeen.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com