Booliska Mareykanka oo ka warbiyey haweeney Soomaali ah oo dhimatay

0

South Burlington (SK)-Booliska gobalka Vermont ee dalka Mareykanka ayaa faah-faahin ka bixiyey shil gaari oo ay ku dhimatay haweeney Soomaali ah oo ka dhacay dalka Mareykanka.

Taliyaha booliska magaalada South Burlington Trevor

Taliyaha booliska magaalada South Burlington Trevor Whipple ayaa saxaafadda u sheegay magaca haweeneyda geeriyootay iyo qaabka uu u dhacay shilka, waxa uu sheegay in haweeneyda geeriyootay lagu magacaabijiray Luul Cali Guure, waxaana ay iska tuurtay gaari yer oo ay la socotay markii uu ku dhacay gaari weyn oo goobta marayey.

Sidoo kale waxaa shilkan ku dhaawacmay haweeney kale oo Soomaali ah taasoo lagu magacaabo Sacdiya Maxamed Cali oo ah 29 jir ah.

Luul waxa ay ka mid ahayd bulshada Soomaaliyeed ee mudadda dheer ku nooleed gobalka Vermont oo ku yaalla waqooyiga bari ee dalka Mareykanka.

Waa shilkii saddexaad ee toddobaadkan ka dhacay gobalka Vermont, sida lagu sheegay xogta booliska iyadoo 21 qof ay sidan oo kale shil ugu dhinteen sannadkii horre gobalka Vermont ee dalka Mareykanka.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com