Bannaanbax looga soo horjeedo canshuuraha Internetka oo Kampala ka dhacay

0
Lahaanshaha sawirka @canarymugume

Kampala (SK)-Booliska Uganda ayaa rasaas nool-nool iyo sunta dadka ka ilmeysa ku kala eryey dad dhigayey bannaanbax ay uga soo horjeedaan canshuuraha lagu soo rogay baraha bulshada.

Weriyayaasha ayaa sheegay in dibadbaxyada ay isugu soo baxeen dad tiro badan oo xamili waayey dadka bannaanbaxayey kuwaasoo ka soo horjeeday go’aanka dowladda ay canshuurta ku soo rogtay baraha bulashada.

Dadka bannaanbaxayey waxaa ka mid ah xildhibaan baarlamaanka ka tirsan oo lagu magacaabo Robert Kyagulanyi oo qudhiisa u ololeeya xorriyada hadalka iyo tacbiirkaba.

Dadkan ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan canshuurta dowladda ku soo rogtay Internetka gaar ahaan baraha bulshada ee dadka isticmaalaan, in ay lacag kala baxaan, arrintaas oo dowladda ay soo rogtay bishii shanaad ee sannadkan isla markaana baarlamaanka uu meel mariyey.

Dowladda ayaa sheegtay in go’aankaas lagu yareen doono fidinta wararka been abuurka ah iyo isku dirka dadka sida ay hadalka u dhigeen.

Maxay la egtahay lacagta canshuurta?

Sida ay lee yihiin hey’addaha ammaanka qof katsa oo isticmaala baraha bulshada waxaa maalintii laga rabaa lacag u dhiganta nun dollar lacagta Uganda.

Haddii qofka uusan bixin lacagta ma awoodi karo in uu isticmaalo baraha bulshada sida Facebook, Twitter-ka iyo WhatsUp.

Lacagtan ma ahan mid la geenayo xafiis waa marka uu qofka dalbado in uu adeegsado baraha bulshada ayaa waxaa u soo baxaya farriin Internetka oo leh bixi canshuurta Internetka.

Hey’addaha xuquuqda aadanaha ayaa dowladda Uganda ku dhaliishay dowladda maadama ay caburineyso mucaaraadka iyo in la sheego xaqiiqda jirta.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com