Baarlamaanka Soomaaliya oo u codeeyay in dalka laga mamnuuco shirkadda DP World

0

Muqdisho (SK)-Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta fadhi uu ku yeeshay Muqdisho, waxa ay ka doodeen codna u qaadeen xeer dalka looga mamnuucayo shirkadda DP World ee laga lee yahay dalka Imaaraadka Carabta taasoo dhawaan lagu wareejiyey maamulka dekadaha magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera.

Kal fadhiga saddexaad kulankiisa koowaad ee maanta, oo ay ka qeybgaleen 170 xildhibaan, ayaa laga hor akhriyey qaraaro laga soo diyaariyey shirkadda DP World, intaas kaddibna waxaa cod loo qaaday xeerka dalka looga mamnuucayo shirkaddaas.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay natiikada codka loo qaaday xeerka ka dhanka ah shirkadda DP World waxaa uu sheegay in 168 xildhibaan ay u codeeyeen in dalka laga mamnuuco shirkadaas isla markaana aqalka sare lagu wargaliyo go’aanka ay maanta gaareen xildhibaannada golaha shacabka si waxa ay ku darri karaan ku daraan.

Hal xildhibaan ayaa diiday mid kalena waa uu ka aamusay.

Jawaaria ayaa sidoo kale, sheegay in marka labada aqal ee baarlamaan uu ka soo gudbo arrintan in xukuumadda ay sharci ka saaro si madaxweynaha ugu dambeyn u dhaqangaliyo si dalka oo dhan looga mamnuuco shirkadda DP World.

Sidoo kale, xildhibaannada ayaa sheegay in ciddii ka hor timaadda qaraarka ay gaareen in 10 illaa 30 oo xabsi ah lagu xukumo maadama waxa laga hadlayo ay tahay masiirka iyo qarannimada Soomaaliya.

Si kastaba, xukuumadda Soomaaliya ayaa kal hore sharcidarro ku tilmaantay heshiiska dekadda Berbera ee u dhaxeeya Somaliland, shirkadda DP World iyo iyo Itoobiya.

War saxaafadeed dhawaan ka soo baxay wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda aysan aqoonsanayn heshiiska dhexmaray shirkadda DP World ee Imaaraatka iyo jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland.

Sidoo kale, War saxaafadeedka dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in aanan lagu wargalinin heshiiska, islamarkaasna uu hareer marsanyahay habraaca loo maro heshiisyada, kana hor imanayo midnimada Soomaaliya.

Heshiiskan oo sidoo kale ay qeyb ka tahay dowladda Itoobiya ayaa waxa uu dhigayaa in shirkadda DP World ay maamulayso dekeda Berbera, iyada oo leh saami dhan 51%, halka Somaliland ay yeelanayso boqolkiiba 30%, Itoobiyana 19%.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com