Baarlamaanka Somaliland oo meel mariyey heshiiskii dekadda Berbera ee DP World

0

Hargeysa (SK)- Xildhibaannada baarlamaanka Somaliland ayaa maanta oo Talaado ah fadhi ay ku yeesheen magaaada Hargeysa, uga hadlay go’aankii xildhibaannada golaha shacabka ee Soomaaliya ay shalay ku ansixiyeen sharci waxba kama jiraan ka dhigaya heshiis kasta oo lala galay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, fadhigga maanta ayaa waxa ay go’aano ka soo saareen heshiiska dekedda Berbera iyagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku soo duushay madax banananida Somaliland, sida u sheegay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax.

Xoghayaha golaha wakiilada Somaliland, Cabdirisaaq Maxamed Ayaanle ayaa golaha u akhriyey qoddobada ay soo saareen golaha wakiilada Somaliland kasoo uu ku taageerayo heshiiska dekedda Berbera.

Kulanka maanta oo ay fadhiyeen illaa 55 mudane, ayaa waxa ay u codeeyeen heshiiskii Berbera ee Somaliland la gashay shirkadda DP World iyo dowladda Itoobiya,  waxaana 54 ka mid ah ay cod gacan taag ah ku taageereen heshiiska mana jirin cid ka aamustay ama diiday go’aanka.

_SOMALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com