Arsenal oo weli raadineysa macallin cusub

London (SK)-Kooxda Ingiriiska ee Arsenal ayaa weli raadineysa tababbare cusub, oo ay ku baddesho macallinkii mudadda dheer kooxda la joogay Arsene Wenger oo go’aansaday in uu kooxda isaga tago.

Ragga sida weyn loola xiriirinayo waxaa ka mid xiddigii horre ee qadka dhexe ee Arsenal Patrick Vieira oo hadda macalln u ah kooxda New York City ee ka cayaarta horyaaalka Mareykanka ee MLS –ka, balse weli heshiis islama gaarin.

Sidoo kale waxaa ka mid ah macallimiinta Arsenal lala xiriirinayo Mike Arteta oo hadda kaaliye u ah macallinka Man City Pep Guardiola.

Arteta oo 36 jir ah ayaa laga yaabaa in uu baddalo Wenger oo kooxda ka tagaya xilli cayaareedkan.

Manchester City ayaa xilli cayaareedkan horyaalka Premier League waxa ay ku idleysay 1-0 oo ay uga badisay Southampton habeenkii Axadda, iyadoo sidaas ku heshay 100 dhibcood.

Arteta

Si kastaba, macallinka kooxda City Guardiola ma rabo in uu waayo mid ka mid ah shaqaalihiisa sida Arteta, sidaas waxaa qoray wargeyska The Independent.

Arteta iyo Vieira labadaba waxa ay u soo cayaareyn Gunners-ka.

Warar ayaa sheegaya in kooxda Arsenal ka hor 14 June in ay magacaabi doonto macallinkooda.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments