Arsenal oo soo bandhigtay lacagta ay ku iibineyso Bellerin

0
London (SK)- Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah inay iibiso Hector Bellerin si ay lacagta ay ka hesho ugu ula soo wareegto cayaartoy cusub.
Wargeska Daily Mail, ayaa qoray in Arsenal ay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada u imaanaya Bellerin, laakiin waxa ay kaliya ku fasixi doonaan dalab 50 milyan oo ginni ah.Bellerin oo xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ku guul dareystay inuu ku laabto kooxdiisi hore ee Barcelona ayaa xili ciyaareed isku dhafan ku qaadanaya Emirates.

Daafaca midig ayaa si lama filaaan ah kaga soo muuqday Arsenal saddex sanno ka hor, waxaana uu haatan kujiraa 18kii bilood ee ugu dambeyay heshiiskiisa garoonka Emirates.

Xiddigan oo 22 jir ah, ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda Spain ee Barcelona, halkaasoo uu ku qaatay sideed sanno ka hor inta uusan ku biirin Arsenal 2011-kii.

Manchester City ayaa sidoo kale xiiseyneysa saxiixa daafacaan, laakiin uma badna inay la wareegaan kadib markii Walker kala soo wareegeen Tottenham.

Arsene Wenger ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaab ciyaareedkii kooxdiisa ay soo bandhigtay kulankii Watford.

Waxaa la sheegay in Bellerin uu diyaar u yahay inuu ka tago Arsenal haddii uu helo fursad uu ugu dhaqaaqo mid kamid ah kooxaha waa weyn ee kubadda cagta.

Madaxa kooxda Arsenal Sven Mislintat, aya doonaya inuu ugu yaraan seddex ciyaaryahan oo cusub kusoo daro kooxdiisa xagaagan.

Si kastaba, Gunereska ayaa u baahan goolhaye, daafaca dhaxe iyo qad dhexe marka uu furmo suuqa kala iibisga xagaagan.

_SOMALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com