Alexis Sanchez oo u wareegaya Man Utd ama Manchester City

0

London (SK)- Xiddiga kooxda Arsenal Alexis Sanchez, ayaa lagu soo warramayaa in uu u socdo kooxda Manchester United, ka hor inta uusan ximin wakhtiga kala wareega cayaartoyda ee bishan Janaayo.

Wargeyska The Sudan ayaa qoray haddii Arsenal ay hesho qiimaha ay ku rabto xiddigan in ay fasixi doonto iyo cid u gasha halka uu banneeyay.

Kooxda la saadaalinayo in uu ku biiro ayaa ah Manchester United, sidoo kale kooxda Manchester City ayaa rabta in kastoo illaa hadda wax heshiis ah gaarin.

Xiddiga reer Chilea ayaa heshiiskiisa waxa uu ku egyahay xagaagggan marka waxa uu ka fikirayaa halka uu u dhaqaajin doonno.

Mar la weydiiyey in wax xiriir ah ay la soo sameesay kooxda Man Utd ayuu yiri  “Haa, waa run in ay ii soo bandhigtay kooxdaas £400k toddobaadkii. xitaa waxa ay ii soo bandhigtay £1m a week, ma ihi cayaaryahan ka cayaara garabka bidix mar kasta.” ayuu yiri Sanchez.

Sidoo kale, Riyad Mahrez ayaa ka mid ah xiddigaha muhiimka u ah kooxda Manchester United si ay ula soo wareegto bishan January.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com