Akhriso Qoddobada ka soo baxay shirka Qaran ee dib u eegista dastuurka Soomaaliya

0

Muqdisho (SK)-Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gababayey maanta oo Talaado ah shirka qaran ee dib u eegista dastuurka kumeel gaarka ee Soomaaliya.

Shirka oo socday saddex maalin ayaa waxaa ka qeybgalay ergooyin gaaraya 300 oo qof kuwaasoo qaar kood ka yimid waddamada dibadda.

Ku simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa shirka soo xiray, waxaana laga soo saaray shirka qoddobo muhiim ah oo qaar kood ka hadlaya talooyin la soo jeedinayo oo ku saaban in dib u eegis lagu sameeyo qoraallada qaar ee hadda ku qoran dastuurka qabyada ah.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeyay uu furan yahay dib u eegista dastuurka kumeel gaarka ee Soomaaliya.

Shirka looga arrinsanayo dastuurka Soomaaliya oo la soo gabagabeeyey

Qoddobada la isku raacay

Sida laga akhriyey gunaanadka shirka, waxaa la isku raacay in la soo gabagabeeyo sannadka 2019 dib u eegista dastuurka qabyada ah.

Waxaa lagu heshiiyey in dib loo saxo khaladaadka farsamo ee ku jira qabyo qoraalka dastuurka isla markaana la soo gabagabeeyo sannadkan 2018-ka.

Waxaa ergooyinka ay isku raaceyn in qodobada ku jira dastuurka ee u baahan dib u eegis in lagu sameeyo si wax ka baddel iyo wax ku daris loogu sameeyo.

Sidoo kale waxaa la isku raacay qodobada u baahan in wada-xaajood siyaasadeed laga galo isla markaan ay go’aan ka gaaraan dowladda federaalka iyo maamullada xubnaha ka ah.

In qodobo dastuuri ah loo baddalo qodobada ay ka hadlaan madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ee ku saabsan dib u eegista dastuurka qabyada ah.

Maxay qodobada u baahan in heshiis ay ka gaaraan madaxda?

Shirka looga arrinsanayo dastuurka Soomaaliya oo la soo gabagabeeyey

Qodobada u baahan in ay xal ka gaaraan madaxda dowladda federaalka iyo maamul goballeedyada waxaa ka mid ah in xal ka gaaraan arrimaha Kheyraadka, hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya qaadaneyso iyadoo dhowr soo jeedimo la soo bandhigay.

In qaabka dowladda ay noqoneyso tusaale madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, ama xukuumad oo ra’iisal wasaare uu dhisan yahay.

Wax yaabaha kale ee la rabo in ay madaxdu xal ka gaaraan waxaa ka mid ah maqaamka Muqdisho iyo hannaanka uu noqon doono.

Iyo nooca Federaal ay qaadan doonto Soomaaliya, maadama Soomaaliya la sheegay in ay qaadatay hannaanka federaalka.

Halkan wixii ka dambeeya waxaa in dhaqangaliyo qoddobada lagu heshiiyey isla markaana 2019-ka la soo gabagabeeyo dastuurka qabyada ah si uu noqdo mid afti dadweyne loo qaaday.

Shirka looga arrinsanayo dastuurka Soomaaliya oo la soo gabagabeeyey

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com