Akhriso Axkaamta Shukaansiga

0

Nairobi (SK)- Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran Soomaalikabe, waxaa idin lee nahay maalin wanaagsan, haddaba Akhristow halkan ka asxkaamnta Shukaansi

Waa maxay Shukaansi?.

Shukaansiga:- Waa Wiilka Guurdoonka ah oo Rabitaan u muujiya Gabadha aan weli la Guursan, ka dibna ay Gabadhu Aqbasho amase Waalidkeeda.

Shukaansigu Guur ma aha, waxbana ma Xalaaleeyo, keliya waa Ballan iyo isla Ogalaansho in Mustaqbalka la is Guursado keliya oo lagu Heshiinaayo.

Xukunka Shukaansigu waa Banaan yahay marka uu ku Saleysan yahay Waddadii Sharciga ahayd ee ay Diinta islaamku u jeexday.

Shukaansiga Sharciga Waafaqsan Wiilka intuu ku Guda jiro waxaa u banaan inuu arko Gabadha, si uu ugu Qanco Bidhaanteeda, isaga oo ka Fiirinaaya Wejigeeda iyo Gacmaheeda inta hore. waxaa kale oo ay Culimadu baneeyeen wixii Hadal Wanaagsan ah ee welibana Danta keento sida iney kawada Tashadaan Qaab Guursigooda iwm.

MAXAA KA REEBAN MUDDADA SHUKAANSIGA LAGU GUDA JIRO ?

Waxaa ka Reeban muddada Shukaansigu socdo ama Khidbada lagu jiro Arimahan soo socda:-

1- iney Gabadha iyo Wiilka Cidla isugu yimaadaan.

2- iney ku Sheekaystaan Hadalo aan Wanaagsaneyn oo ka Reeban Dadka Ajnabiga kala ah.

3- Waxaa ka Reeban iney Sawiro ama Hadalo ama Qoraalo iyo wax kasta oo Kicinaayo Dareenkooda. isu soo diraan.

4- Waxaa ka Reeban iney is Taabtaan amase is Dhunkadaan iwm.

5- Waxaa ka Reeban inuu Badiyo Kulamada iyo Booqashada aan loo baahneyn.

6- Waxaa ka Reeban wax kasta oo u soo jiidaaya Xaaran.

7- Aragtida Wejiga iyo Gacmaheeda inta hore ayaa u Banaan laakiin inuu ka arko meel kale uma banaana.

8- Gabadhu ha Ogaato mar kasta oo uu Wiilkani Dhawrsoonaan ku arko inuu sii jeclaanayo, markasta oo uu ka Dareemo iney tahay mid wax Maceshato ahna inuu u Beddelaayo ku meel gaar.

9- waxaa ka Reeban inuu Shukaansado Gabar kale oo Wiil u doonan, waana Arrin aan Banaaneyn Sharci ahaan intey is Fahmeen ka dib.

10- Uma Haboona inuu Wiilku kaga baxo Gabadha Ballanka intey Heshiiyeen ka dib, Hadduusan ku arag Ceeb uusan Filaneynin.

Ugu dambeyn waxaan dhihi lahaa Labada Qof ee is Rabta iney is Guursadaan oo ay dhisaan Guri Muslim ah iney ilaaliyaan Shareecada Islaamka Xuduuda ay u dhigtay, kana Fogaadaan wax kasta oo aan Banaaneyn, taasoo u soo jiidi karta Carro Eebbe iyo Cirib xumo.

(ilaahoow Xaqa na Fahamsii, yaa Rabbi).

W/Q:- Macoow Ustaad