Abwaan Baarleex oo Muqdisho ku xanuunsanaya ayaa ka cabanaya arrin ku dhacday-VIDEO

0

Muqdisho (SK)-Abwaan Cabdullahi Xirsi Baarleex oo ku xanuunsanaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu cabasho ka muujiyay masuuliyiinta dawladda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in markii horre ay ku yidhaahdeen waxaanu ku gaynaynaa dalka Turkiga si xaaladdaada caafimaad lagula tacaalo hase ahaatee aanay illaa hadda waxba u qaban.

Waxa uu codsaday in loo soo celiyo baasabooradiisa maadama aan waxba loo qaban muddo labo bil iyo 19 cisho oo uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in hadda dhaggihii ay ka xirmeen oo uu ku xanuunsanayo magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay ka hor inta uusan soo gaarin magaalada Muqdisho in loo diyaariyey daweyn dibadda ah oo uu ballan qaaday nin ku sugan magaalada Dubai.

Abwaanka ayaa sheegay in mid ka mid xiddidada dhiigga qaadda in uu fadhiya isla markaana uu baahan yahay in laugu soo daweeyo dibadda.

Abwaanka oo markii horre ka tagay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in uu dib iskooga noqonayo maadaama waxba loo qaban waayay.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com